Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah Fulisay

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ee Somalia ayaa saakay fulisay xukun dil ah.

Maxkamada ayaa toogatay Maxamad Aadan Cali Booroow oo 15/6/2017  ku dilay Masjid ku yaala Baydhabo, Sh Madeer Madgaab Caliyow xilli uu Taraawiix ku jiray.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah horay ugu riday Maxamed Aadan Booroow.

Fagaaraha Maanyafuulka ee duleedka Baydhabo ayeey ka dhacday aroortii hore ee saakay falka dilka ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Col Xasan Cali Nuur Shuute ayaa goobjoog ka ahaa Fagaaraha ay toogashadu ka dhacaysay saaka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post