Lafta Gareen oo booqonayo deegaano katirsan Koonfur Galbeed

Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in uu booqdo deegaano katirsan Koonfur Galbeed.

Lafta Gareen ayaa tagaya degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa lagu wadaa sidoo kale in Madaxweyne Lafta Gareen uu booqdo deegaano kale oo katirsan Koonfur Galbeed.

Deegaano badan oo ku yaaalo gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa go’doomiyay Al-Shabaaab waxaana maamulka Koonfur Galbees uu sheegay in la isku furi doono.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post