Kooxo hubeysna oo Ciidammo Booliis ahaa ku laayay mid ka mid ah Waddamada Afrika

Muqdisho (PP) ─ Toban askari oo booliis ah ayaa la dilay, saddex kalena dhaawcyo kala duwan ayaa soo gaaray, kddib markii koox dabley ah ay weerar gaadma ah ka geysteen waqooyi-bari waddanka Burkina Faso, sida ay shaacisay wakaaladda wararka dalkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Burkina Faso ayaa lagu sheegay in askarta la dilay ay la socdeen gaadiid koox ah oo ka ambabaxday gobolka Toeni, iyagoo kusii jeeday tuulo ku dhow degmada Dedougou.

Saraakiishan ayaa ku sii jeeday tuulada Loroni oo ku dhow xadka dalka Maali uu la wadaago dalkaas, halkaasoo kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen, iyagoo gubay  Iskuul halkaasi yaal, sida Ilo ku dhow wasaaradda amniga ay u sheegeen Wakaaladda Wararka AFP.

Askartan lab aka mid ah ayaa dhaawacyadooda laga deyrinayaa, kuwaasoo loo qaaday isbitaal ku yaalla degmada Dedougou, sida saraakiisha dalkaas ay sheegeen.

Waddanka Burkina Faso, ayaa saddexdii sanadood ee lasoo dhaafay wuxuu marti-gelinayay weerarro dhimasho badan sababay, waxayna rabshadahan ku faafeen qaybo badan ka mid ah dalka iyo xuduudda waddamada Togo iyo Benin.

Dhanka kale, Ma jirto cid sheegatay weerarkan ugu dambeeyay, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dambeeyaan kooxo Islaamiyiin ah oo qaarkood gacan-saar la leh Urur-weynaha Al-Qaacida.

Ugu dambeyn, Kooxahan Mintidiinta ah ayaa la rummeysan yahay inay ka dambeeyeen weerarro badan oo Dalkaasi ka dhacay, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 255-qoftan iyo sannaddii 2015-kii.

PUNTLAND POST