Kooxo hubeysan oo Degmada Afgooye ku dilay afar qof oo ay ku jirtay Haweeney Xaamilo ah

Afgooye (PP) ─ Kooxo hubeysna oo aan haybtooda la gaaranayn, ayaa maanta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ku dilay afar qof oo ay ku jirtay haweeney xaamilo ah.

Afarta qof ee la dilay ayaa waxay saddex ka mid ah ahaayeen ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia, kuwaasoo la sheegay inay wadeen hawl lagu sheegay canshuur ururin, halka haweeneyda ay goobta dilku ka dhacayya ku sugnayd.

Goob-joogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxaha dilka fuliyay ay si nabadgalyo ah goobta uga tageen, inkastoo goor-dambe ay goobta soo gaareen ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia.

“Dilka wuxuu ka dhacay bartamaha degmada Afgooye lama garanayo cidda ka dambeysa dilka, basle wuxuu u qaab ekaa dilalka ay geystaan xoogagga Al-shabaab, inkastoo dilalka ka dhaca degmada aysan ahayn kuwo la dhihi karo Al-shabaab oo keliya ayaa ka dambeysa,” ayuu yiri goobjooge qariyay magaciisa sababo dhanka ammaanka ah oo la hadlay VOA-da.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda dilka afartan qof, waxaana uu qayb ka noqonayaa dilal dhawaanahan degmadaas ay ka geysanayeen kooxo aan la garanayn oo bastoolado ku hubeysan.

Dhanka kale, Goobjoogayaashan ayaa sheegay in goobta uu dilku ka dhacay ay ka ag-dhawaayeen ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda, kuwaasoo markii ay xabbaduhu billowdeen isaga cararay goobta si ay u badbaadaan.

“Ciidammo ayaa goobta uu dilku ka dhacay meel u dhaw ku sugnaa, wayna carareen markii ay xabbadaha maqleen. Afarta qof waxaa lagu dilay batsoolad qaybaha sare ee jirka ayaana laga toogtay,” ayuu yiri goobjooge kale oo ku sugan degmadaas.

Ugu dambeyn, Degmada Afgooye ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka uu ka taliyo maamulka Koonfur-galbeed, waxayna xilliyadii u dambeeyay ahayd meel ay Al-shabaab weerarro toos ah kusoo qaadaan, iyagoo dhawr jeer la wareegay gacan ku haynta degmadaas, inkastoo ay dib uga baxaan.

PUNTLAND POST