Siyaasi Cali Ciise Cabdi oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho ayaa maanta soo gaaray caasumadda Puntland ee Garoowe.
Dr Cali Ciise waa xubin ka tirsan guddiga dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya,islamarkaana diraaseeya arrimaha dhaqaalaha ee Geeska Afrika.
Maalmihii u dambeeyay waxaa la hadal hayay in uu u sharraxanyahay xilka madaxtinimada dowladda Puntland ee doorashada la qorsheeyay 8-da Jennaayo 2019.
Hase yeeshee isagu warkaasi ma xaqiijin,inkastoo uu sheegay in uu Garoowe u yimid arrimaha doorashada Puntland.
Siyaasigan ayaa ka soo jeeda gobolka Sool,waxaana uu hore u mucaaradi jiray siyaasadda maamullada Puntland iyo Somaliland oo gobolkan ku muransan.
PUNTLAND POST