Cumar Baadiyoow oo ka bad baaday qarax la doonayay in lagu qaarijiyo

Warar deg deg ah oo hadda naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu qarax qasaare geeystay ka dhacay.

Qaraxa ayaa ahaa miino ayaa waxaa uu ka dhacay guriga  Cumar Baadiyow Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan.

Cumar Baadiyoow ayaa ka bad baaday qaraxaasi waxaase halkaasi ku dhintay dad rayid ahaa oo goobtaasi ku sugnaa.

Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray oo xiray halka uu qaraxaasi ka dhacay baaritaanana wada.

Wixii ku soo kordha dib kala soco

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post