Ciidamo loo diray deegaanka Kaxndhaale

Taliska Qaybta 21aad ayaa ciidamo u diray deegaanka Kaxandhaale oo ay ka jirto Xiisad dagaal oo u dhexeyso maleeshiyaad deegaankaasi wada dagan.

Taliska oo fulinaya Amarka Madaxweynaha Jahmhuuriyada Fadarelka ee soomaaliya iyo amarka Taliyaha Xoogga ayaa Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka sida ee Qaybta 21aad u diray Deegaan ka Kaxandhaale oo dagaalo qabiil ay ka dhacayeen maalmahaan oo idil.

“Ciidamada ayaa si walboba isugu dayaya in aysan dib dambe u dhicin Dagaalo waxaana Talisku uu gacanta ku dhigayaa saacadaha soo aadan Amniga deegaanka iyo dhamaan Goobihii Dhibaatadu ka dhacdey.

Marnaba Talisku ma u dul qaadan doono Sii socoshada ama hurinta Colaadaha nuucaas ah waxeyna dhamaan ciidamadu heegan ugu jiraan ka jawaab celinta fal kasta oo shacabka dhibaato ka soo gaareyso.” ayaa lagu yiri war ay soo saareen Taliska

PUNTLAND POST