Wasiir Beeyle oo la kulmay guddiga Cusub ee maaliyada Baarlamaanka

Wasiirka maaliyada xukuumada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ahna xildhiaaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa villa Hargeysa kula kulmay guddiga maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya oo qilaafad dheer kadib dib u habeeyn lagu sameeyay.

Guddigaan ayaa shalay doortay gudoon cusub oo hogaamin doono guddigaasi.

Wasiirka ayaa kala hadlay qaabka ay u wada shaqeeyn lahaayeen guddigaaasi iyo wasaarada Maaliyada.

” Waxaan la kulanay guddiga maaliyada Waxaan kala hadalnay sidii aan u wada shaqeeyn lahaa kulankeenana guul ayuu ku soo dhamaaday” ayuu yiri wasiirka.

Waxaa la xaliyay qilaaf ka dhashay kala diristii lagu sameeyay guddiga maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya qilaafkaasi oo u dhaxeeyay Madaxda sare ee dalka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho