Qarax ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya goordhow waxaa ka dhacay qarax qasaare geeystay.

Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Waabari ee Muqdisho.

qaraxa ayaa gaarigiisa waxaa loogu xiray Cismaan Dheere oo kamid ah Agaasimaayasha Xafiiska Ra’isilwasaaraha Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi gaarigiisa loogu xiray.

Ciidamad amaanka ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo baaritaano ka wada halka qaraxa uu ka dhacay.

Faah Faahinta dib kala soco insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post