Guddiga cusub ee Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya oo doortay Guddoon cusub

Muqdisho (PP) ─ Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho waxaa galabta ka dhacday doorashada guddoonka guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Guddoomiyaha cusub ee guddigan ayaa loo doortay Xildhibaan Maxamuud Siraaji, sidoo kale, Xildhibaanad Aamino Sheekh Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, halka Xog-hayaha guud-na loo doortay, Xildhibaan Aadan Cali Xasan.

Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad, Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Waxaa doorashada kaddib goobta ka hadlay, Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, Mahad Cabdalla Cawad isagoo guddoonka cusub ee Guddiga Maaliyadda kula dardaarmay inay si deg-deg ah u qabtaan howlaha culus ee horyaalla.

“Guddigan waxaa kula talinayaa inay hawlaha horyaalla oo ay ka mid tahay dib u eegista miisaaniyadda cusub ee Dowladda ay sida guu dhaqso badan uga hawl-galaan, si baarlamaanka uu cod ugu qaado,” ayuu yiri Cawad.

Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in guddoonka Golaha Shacabka ay diyaar u yihiin inay guddoonka guddiga kala shaqeeyaan dar-dar-gelinta hawlaha culus iyo ay fulin lahaayeen hawlaha horyaalla.

Ugu dambeyn, Guddigan oo horay loo sheegay in la kala diray, isla markaana kala diristooda uu khilaaf dhaliyay ayaa waxaa dib u habeyn ku sameeyay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, iyadoo xubno ka mid ahaa laga saaray halka kuwo kalena lagu soo daray.

PUNTLAND POST