Cabdiraxmaan Sheekh Maxammed Maxamuud (Faroole) madaxweynihii hore ee Puntland, hadana ah Senator ka tirsan aqal sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland.
Cabdiraxmaan faroole oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in uu u yimid doorashada Puntland, wuxuuna soo dhaweeyay musharaxiinta faraha badan ee tartamaya, isagoo sheegay uu maalmaha soo socda ka hadli doono arrimaha doorashada.
Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in uusan ahayn musharax u taagan madaxtinimada Puntland, sidoo kale ka hadlay federaalka iyo abaaraha ka jira dalka.
Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee faroole
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.