Somalia oo ka mid noqotay Tiro dalal ah oo laga baqdin-qabo inay abaaro ku dhuftaan

Muqdisho (PP) ─ Warbixin dheer oo ay soo saareen Gudiiga Caalamiga ah ee badbaadada ee magacooda loosoo gaabiyo IRC ayaa lagu sheegay dalalka sannadka soo socda ee 2019 laga cabsi-qabo inay abaaro ku dhuftaan.

Guddiga IRC ayaa shaxda 10-ka dal ee laga cabsi qabo inay abaaruhu ku dhuftaan soo bandhiga dhammaadka sanad kasta, waxayna ku baaqdaa in loo sii diyaar-garoobo si looga gaashaanto.

Tobanka dal ee ay IRC soo bandhigay sanadkan sii dhamaanaya, waxaa ka mid noqotay Somalia, waxayna sheegeen in roobab badan oo dhulka Soomaalida ka da’i jiray ay baaqdeen, taasina ay ka dhalan karto abaar xoogan.

Dalalka kale ee ay sheegeen in iyagana laga baqdin-qabo inay abaaruhu ku dhufataan ayaa kala ah; Yemen, Koonfurta Suudaan, Afghanistan, Nageria, Valenzuela iyo Suuriya.

Dhanka kale, Hay’addo Caalami ah ayaa ku baaqay in loo sii diyaar-garoobo abaar Soomaaliya ku dhufato, iyagoo ka qiyaas qaadanaya waxyaabaha sababay abaaraha kusoo laab laabtay dhulka Soomaalida.

Ugu dambeyn, Somalia ayaa waxaa sannadihii ugu dambeeyay la sheegay inay xaaladeeda dhanka abaaraha kasoo raynayso, balse baaqan ayaa mar kale soo celiyay baqdin laga qabo abaaro ku dhufta.

PUNTLAND POST