Hay’ada ICG oo Warbixin Qoto-dheer ka Qortay Doorashadii Baydhabo iyo Mukhtaar Roobow

Muqdisho (PP) ─ Hay’adda ka-hortagga Xasaradaha Caalamiga ee ICG, ayaa waxay warbixin ka qortay mansabkiisii Al-shabaab ee Mukhtaar Roobow, isku-soo-dhiibistiisii Dowladda Federaalka Soomaaliya, murashaxnimadiisa madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed iyo xariga ay Dowladda Soomaaliya kaga hor-joogsatay hankiisii madaxnimo.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay: “Koonfur Galbeed: madaxweyne la caleemo-saaray iyo xiisad oloshay”, waxa lagu xusay in bishan 19-dii ay xildhibaanadda deegaanka ee Koonfur Galbeed u doorteen C/Casiis Maxamed “Lafta-gareen” inuu noqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed, doorasho kulul oo baahin karta deganaansho la’aan cusub, waa sida lagu qoray warbixinta.

Rashiid Cabdi oo ah cilmi-baare ka tirsan hay’adda ICG ayaa qoray warbixintaasi oo biyo-dhaceeda u muuqato falaanqeynta dhacdooyinka ku xiriirsan doorashadaasi iyo xariga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, kaasi oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka reebtay tartankii doorashadii madaxtinimadda ee maamulka Koonfur Galbeed.

Warbixinta waxaa lagu muujiyey inuusan C/Casiis Lafta-gareen oo horey xildhibaan iyo wasiir soo noqday inuusan doorashadaasi ku guuleysan kari lahayn dowladda federaalka Soomaaliya la’aanteeda.

Warbixinta ICG waxay kaloo ka hadashay soo-dhaweyntii dowladda federaalka Soomaaliya ee Mukhtaar Roobow iyo murashaxnimadiisa doorashadda Koonfur Galbeed, taasi oo ICG sheegtay inay dowladda federaalka Soomaaliya markii hore  murashaxnimadda Mukhtaar Roobow uga dan lahayd in lagu bara-bixiyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ee is-casilay, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dowladda waxay wax ka bedeshay shaxdii Mukhtaar Roobow, kadib, markii ay muuqatay in laga yaabo inuu ka guuleysto murashaxii lafta-gareen, waa sida ICG hadalka u dhigtay.

Fara-gelintii dowladda federaalka Soomaaliya ee doorashadii Koonfur Galbeed waxay ICG ku tilmaamtay mid ay dowladda federaalka Soomaaliya muhiimad ku siinayso in nidaamka maxaliga ee awood-qeybsiga lala qeybsado islaamiyiinta muxaafidka ah.

Docda kale, Mukhtaar Roobow oo la rumeysan yahay inuu 50-jir yahay waxa uu ka mid yahay islaamiyiinta caanka ah  ee  sharciga islaamka ku soo bartay dalka Sudan, waana khabiir ka so oqeyb galay dagaalki Afghanistan ee looga soo horjeeday ciiddankii midowgii Soofiyeeti, wuxuuna marki idambe waqti kooban maamulayey hay’ad samafal islaami ah oo ay Sacuudiga maalgelin jirtey.

Warbixinta oo aad u dheer waxaa kaloo lagu muujiyey inuusan jirin tartan  haatan u dhexeeya  siyaasiyiinta islaamiga ah iyo kuwo cilmaaniyiinta, oo ay ugu waa weyn yihiin kooxaha Ala Sheekh, Dam Al-Jadiid iyo Al-Ictisaam, waa sida ICG qortay.

Ugu dambeyn, Warbixinta waxay saadaalisay in tartanka kooxahaasi aad loo dareemi doono marka la gaaro doorashadda la qorsheynayo inay Somalia ka qabsoonto sannadka 2021-ka.

PUNTLAND PSOT