Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo dil ku fulisay nin ka tirsanaa Al-Shabaab

Maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya waxay saakay oo Isniin ah ay toogasho ku fulisay C/qaadir Abuukar Shaacir oo ka tirsanaa sida la sheegay Al-shabaab .

Cabdiqaadir ayaa la sheegay in Al-shabaab uu u qaabilsanaa gawaaridda qaraxyadda dhigo goobaha ay ay weerarayaan.

Ciidamada amaanka ayaa ninkaan waxaa ay  qabteen Bishii May ee sannadkan waxaana ay ka qabteen Degmadda Xamarwayne xilli uu halkaasi dhigay gaari qarax ah, sida la sheegay.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in ninkan uu ahaa shaqsigii dhigay gaari qarax laga soo buuxiyay oo Al-shabaab ay ku weerareen xarunta Wasaarada Amniga ee Muqdisho.

PUNTLAND POST