Garowe: Issimada Puntland oo bayaan ka soo saaray doorashada

Issimada Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garowe ayaa bayaan afar qodob ah ka soo saaray doorashada.

Issimada ayaa sheegay in ay doonayaan in doorashada Puntland ku dhacdo si dagan oo xasiloon, isla markaana musauuliyada amnigu ay tahay masuuliyad wadareed cid kasta oo reer Puntland looga baahan yahay in ay ka shaqeyso.

Sidoo kale Issimada Puntland ayaa sheegay in ay markasta la socon doonaan xaalada doorashada tan iyo inta ay ka dhamaanayso.

Bayaanka ay Issimada Puntland ka soo saareen doorashada oo warbaahinta u akhriyay Suldaan Bashiir Muuse ayaa kala ahaa.

  1. In la wada-qaato masuuliyad wadareed, cidkasta ay xil iska saarto sidii loo heli lahaa doorashado ku dhacda nabad iyo xasilooni.
  2. In Guddiga xalinta khilaafaadka lagu aamino in ay soo ansixiyaan soona saaraan xildhibaaanadii beeluhu soo xusheen, Issimudan soo saxiixeen.
  3. In musharaxiin yihiin masuuliyiin muwaadiniin ah, xilna ka saaran yahay la shaqeynta Guddiga doorashada iyo laamaha amniga.
  4. In taliyaasha amniga ay masuul ka yihiin amniga guud, musharaxiintu ay u siman yihiin.

Kulanka Issimada Puntland ka soo saareen bayaanka ayaa daba socday kulamo ay horey ula qaateen musharaxiinta Puntland oo cabashooyin ka qabay Guddiga khilaafaadka iyo amniga doorashada.

PUNTLAND POST