TUULAX: Toddoba ka mid ah Askartii Ilaalada ii ahayd ayaa ku dhintay Qaraxyadii Maanta

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa ka hadlay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho oo isaga qudhiisa waxyeelo kasooo gaartay.

Tuulax ayaa ka mi d ahaa dadkii ka ag-dhawaa mid ka mid ah Qaraxyadan oo ahaa kuwo ism-iidaamin ah, wuxuuna xusay in ALLE uu ka badbaadiyay, balse ilaaladiisa ay ku geeriyoodeen gaarigiisiina uu burburay.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir oo uu soo gaaray dhaawac fudud ayaa sheegay inuu caafimaad qabo, balse askartii la socotay dhibaatada ugu badan ay soo gaartay.

“Walaalayaal ALLE samir iyo iimaan hannaga siiyo dhammaan dadkii maanta ku geeriyooday Qaraxyadii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay Muqdisho. Aniga waan fiicanahay, waxaa ku geeriyooday toddoba ka mid ah askartii ila socotay iyo darawalkaygii, dhammaantoodna ALLAHA u naxariisto samir iyo iimaana hanaga siiyo,” ayuu yiri Guddoomiye Tuulax.

Sidoo kale, Wuxuu tacsi u diray ciidamadii madaxtooyada Soomaaliya oo ay waxyeello kasoo gaartay weerarkii koowaad, isagoo xusay in falalkaan oo kale ay ka qaadayaan dhiirri-gelin iyo inay laba jibaataan la-dagaallanka Al-shabaab oo uu ku sheegay cadowga Umadda Somaaliyeed.

Ugu dambeyn, Waxaa Qaraxyadii maanta ku geeriyooday shacab uu ka mid ahaa Wariye Cawiil Daahir Salaad iyo xubno la socday oo ka tirsanaa TV-ga Universal, waxaa kaloo lagu waayay askar iyo dad kale oo shacab ah.

PUNTLAND POST