Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Mudug,Xassan Maxamed Khaliif(Abgaalow).
Dikreeto Sabtida saaka ah ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo xilkii looga qaaday mudane Abgaalow ayaa sidoo kale lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug,Cabdulqaadir Xuseen Nuur(Dirir).
Abgaalow ayaa xilkan loo magacaabay 23 December sannadkii 2015,wuxuuna xafiiska joogay mudda saddex sano ah.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar