FAAHFAAHIN: Khasaarihii Qaraxyadii Muqdisho iyo Guddoomiye ku xigeen ku dhaawacmay

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 12-qof oo ay ku jiraan ciidammo iyo shacab ayaa ku dhintay labadii Qarax ee maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 20-qof oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax.

Qaraxii koowaad ayaa ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Muqdisho, Waaxana dadka ku dhintay ay u badnaayeen shacab, sidoo kalena waxay khasaare aad u xooggan ay kasoo gaartay ciidammo ku sugnaa bar-koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Somalia.

Sidoo kale, Qaraxii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Daljirka Dahsoon oo ku dhaw halka qaraxii 1-aad uu ka dhacay, waxaana qaraxaas uu dhaawac kasoo gaaray guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir.

“Inta badan ilaaladii guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir waa la waayay, waxaana aragnay dhimashada qaar ka mid ah iyo dhaawacyo ay ku jiro kuwo aad u daran,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah xubnaha maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku xigeenka dhaawacmay ayaa haatan lagu daweynayaa mid ka mid ah goobaha caafimaadka Muqdisho, waxaana wararka la hellayo ay sheegayaan in dhaawiciisa uu yahay mid fudud.

Dhanka kale, Ururka Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, waxayna kooxdu sheegtay inay ku dileen askar iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia.

Hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin khaaaraha ka dhashay Qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho, kwuaasoo ahaa qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu fuliyay gaadiid waxyaabaha Qarxa laga buuxiyay.

Ugu dambeyn, Qaraxyada noocan oo kale ayaa geysta khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana muuqata in Dowladda Federaalka aysan awood u lahayn inay joojiso qarxyada ay Al-shabaab ka geysanayso Xamar.

PUNTLAND POST