Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia oo si adag uga Hadlay Qaraxyadii Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa cambaareeyay Weerarradii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Nicholas Haysom ayaa lagu sheegay in weerarada ay ku dhinteen ugu yaraan 20-ruux oo isugu jiray ciidammo, shacab iyo xubnihii weerarka fuliyay.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadan oo laba ahaa midkii ugu horreeyay ayaa ka dhacay bar–koontarool oo ku taalla agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho, waxaana dadka geeriyooday ka mid ahaa wariye ka hawl-galayay Telefishinka Universal oo xaruntiisu tahay London.

“Weeraeradii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa muujinaya sida fulaynimada ah ee Al-shabaab ay u beegsanayso kuna xasuuqayso shacabka aan waxba galabsan, kuwaasoo xaq u leh inay ku noolaadaan Nabad-gelyo iyo sharaf,“ ayuu yiri Mr Haysom.

Sidoo kale, Ergayga QM oo sii hadlay ayaa yiri. “Waxaan ku boorrinaynaa mas’uuliyiinta Dowladda Somalia inay ku dadaalaan inay la dagaallamaan xag-jirnimada oo mas’uul ka ah dambiyadani naxdinta leh. Waxaan tacsi tiiraan leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibadii kuwii ku dhintay labadii Qarax ee maanta dhacay.”

Dhanka kale, Haysom warbixintiisa ku sheegay inuu u rajeynayo dadka ay daawacyadu soo gaareen caafimaad deg-deg ah, wuxuuna ku baaqay in laga hor-tago fal walba oo dhibaato ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa si wadajir ah u cambaareeyay qaraxyadii maanta ay Xamar ka dhacay, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan labaatan qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

PUNTLAND POST