Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in la qabtay hogaamiyihii soo abaabulay qaraxyadii Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow sheegtay in gacanta ay ku hayaan qofkii hogaaminayay weerarkii qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho iyo darawalkii waday gaariga dambe ee ku qarxay Daljirka Daahsoon.

War ay soo saartay NISA ayey ku sheegtay in ciidamada amaanku ay gacanta ku hayaan hogaamiyihii soo abaabulay weeraradii qaraxyada ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho.

NISA ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitterkeeda ku sheegtay warkaaasi.

Ku dhowaad 15 ruux ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo is xigay oo is miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa wariyayaal caan ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho