Xildhibaannadii soo Abaabulay Mooshinkii Farmaajo oo bixiyay sharaxaad dheeraad ah

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanno ka mid ah kuwii dhawaan Mooshinka ka keenay Madaxweynaha DF Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ee shalay ka ku dhawaaqay inay kala laabteen mooshinkii ay keeneen ayaa maanta soo saaray shuruudo ku aaddan waxyaabihii ay ku xireen inay tanaasulaan.

Mudanayaashan ayaa soo saaray qoraal ka kooban sagaal qodob, waxaana Qoddobaadaasi ka mid ah in Madaxweynaha Somalia uu raaligelin ka bixiyo dhiibistii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Sidoo kale, Qodobbadda ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumaddaba ay tix-galiyaan Madaxbaanida Golaha Shacabka.

Haddaba, AKHRISO: Qoraalka ay xildhibaanada maanta soo saareen;
PUNTLAND POST