Wasiirka arimaha gudaha Puntland oo is-casiley

Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Dawlada Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa iska casiley xilkii uu hayey ee wasiirka arimaha gudaha iyo Dawladaha hoose.

Is-casilaadda Wasiir Timacadde ayaa kusoo aadaysa xili uu dhawaan si rasmiya u shaaciyey inuu yahay musharax u taagan Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland doorashada qorshaysan 08-Janaayo, 2019.

Waa wasiirkii labaad ee katirsan xukuumadda Madaxweyne Gaas oo ku dhawaaqa inuu u sharaxan yahay jagadda madaxtweyne Ku-xigeenka, waxaa isaguna si lamida shaaciyey Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Axmed Cilmi Cismaan Karaash walow uusan isagu weli shaacin inuu iska casiley xilkii wasiirnimo ee uu hayey.

PUNTLAND POST