Wararkii u dambeeyay ee Doorashada Maanta ka dhaceeyso Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay maanta waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa si aaad ah loo adkeeyay.

Ciidamo aad u hubeeysan oo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jiro ayaa saakay lagu soo daadiyay gudaha Baydhabo.

Hadalheeynta ugu badan saakay ay dadka hadal hayaan ayaa ah dooraahada saaka ka dhaceeyso Baydhabo.

Shan musharax ayaa u tartamaya xilka madaxtinimo ee maamulkaasi.

Dad badan ayaa sii saadaalinaya in Musharaxa Lafta Gareen loo dooran doono xilka madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed.

Isku socodka gaadiidka iyo dadka ayaa la xanibay maanta magaalada Baydhabo.

Wararka Doorashada Puntland Post kala soco

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland PostĀ