Ra’iisul wasaare Khayre oo magacaabay wasiirka Hawlaha guud iyo Dib u-dhiska

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xassan cali Khayre ayaa magacaabay,wasiirka Hawlaha guud iyo Dib u-dhiska xukuumaddiisa, maalin kadib markii uu is’casilay wasiirkii hore,Cabdifitaax Ibraahim geeseey.

Dikreeto Isniinta maanta ah ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo lagu daabacay wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA ayaa wasiirka cusub ee Hawlaha guud iyo Dib u-dhiska lagu magacaabay,Cabdi Aadan Hoosow.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Hawlaha guud iyo Dib u-dhiska,Cabdifitaax Ibraahim Geeseey oo shalay is’casilay ayaa xukuumadda Federaalka ku eedeeyay inay fara-gelin ku hayso arrimaha maamulka koonfur Galbeed oo uu ka soo jeedo.

PUNTLAND POST