Koonfur-galbeed oo si Taxaddar leh uga hadashay xariggii Mukhtaar Roobow

Baydhabo (PP) ─ Maamulka Koonfur-galbeed ayaa caawa si taxaddar leh uga hadlay xarigga Mukhtaar Roobow Cali oo ka mid ahaa musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha maamulkaas, kaasoo ay maanta Baydhabo ku xigeen ciidammo Itoobiyaan ah

Wasiirka Warfaafinta Koonfur-galbeed, Xasan Cabdi Maxamed [Ugaas Xasan] oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in xarigga Roobow uusan maamulkoodu wax lug ah ku lahayn, amarka xariggiisana uu ka yimid dhanka Dowladda Dhexe ee Somalia.

Ugaas Xasan ayaa sheegay in xaaladda Baydhabo ay caawa daggan-tahay isla markaana aanay xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay rabshidii maanta ka dhacay Baydhabo, kuwaasoo uu sheegay inay ka dhasheen qabashadii Mukhtaar Roobow.

“Xaaladda Baydhabo caawa waa daggan tahay, khasaare ayaa dhashay balse si dhab ah uma hubno inta ay le’eg tahay. Xarigga Abuu-Mansuurna innagu wax shuqul ah kuma lihin, waxaase xiratay Dowladda Somalia oo  markii horeba ay heshiis wada-taleen,” ayuu yiri Ugaas Xasan.

Balse, Wararka  hoose ee laga helayo Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in shaqaaqadii maanta ka dhacday magaaladaas ay ku geeriyoodeen tiro 10-qof ka badan, ayna ku dhaawacmeen labaatameeyo kale.

Rabshadaha ayaa billowday markii Mukhtaar Roobow la xiray, waxaana markiiba uu iska hor-irmaad muddo socdday dhexmaray ilaaladii gaarka ahaa ee Mukhtaar Roobow iyo cidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa halkii lagu xiray oo ahayd madaxtooyada Koonfur-galbeed.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur-galbeed, Ugaas Xasan ayaa ku cel-celiyay inaysan lug ku lahayn qabashada Roobow, isagoo sheegay inuu ka mid ahaa musharraxiinta hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed Somaila, iyaguna aysan wax dood ah ka qabin inuu isku sharraxo doorashada.

“Qabashada Abuu-mansuur wax lug ah kuma aanan lahayn, waana arrin u dhexeysa Dowladda Federaalka ah iyo Sheekha oo wadahadallo ay muddo u socdeen, innaguna wax lug ah kuma lahayn xarigga Abuu-Mansuur. Waayo muddo ayuu Baydhabo joogay mana aanan qaban, marka arrintaas waa mid u taalla dowladda dhexe,” ayuu wasiirku ku daray hadlkiisa.

Ugu dambeyn, Xaaladda Baydhbao ayaa daggan, iyadoo Mukhtaar Roobow haatan lagu hayo xarunta nabad-sugidda Somalia ee Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay dowladda Somalia ka qaadan doonto arrinta Mukhtaar Roobow oo horay u soo noqday ku xigeenka hoggaanka Al-shabaab.

PUNTLAND POST