
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli maxamed Cali(Gaas) ayaa magacaabay taliyaha ciidanka sugaya amniga doorashada Puntland ee la qorsheeyay 8 Jennaayo 2019.
Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 10 bishan December 2018 ee ku beegan Axadda maanta ah ayaa taliyaha amniga doorashada lagu magacaabay sarreeye Gaas Cabdirisaaq Siciid Diiriye Faarax oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka badda(PMPF) ee dowladda Puntland.
Taliyaha loo magacaabay amniga doorashada ayaa madaxweynuhu maalmo ka hor u dallacsiiyay darajada Sarreeye Gaas,waxaana lagu tilmaama nin dhex-dhexaad ah oo loo simanyahay,islamarkaana ay ku qanci karaan dhammaan murashixiinta ku loollamayaa doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar
You must be logged in to post a comment.