Maxaa ku cusub doorashada Puntland 2019?

Soddon (30) beri kadib waxaa Puntland u beryaya waa cusub oo siyaasadeed, waxaana Garowe ka dhacaysa doorasho kale oo taariikhi ah, taas oo lagu dooran doono Madaxweyne iyo ku xigeen.

In ka badan labaatan (20) musharax oo u baratamaya Madaxweyne ayaa olole adag oo ay lacag culusna weheliso ka wada deegaanada Puntland, ololaha musharaxiinta oo horayba u billowday ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanayay.

Doorashadan waxaa ka muuqda waxyaabo badan oo cusub, taas oo ay kaga duwan tahay doorshooyinkii hore ee Puntland.

Khilaaf

Doorashadan waxaa ugub ku ah khilaaf u dhexeeya madaxda ugu sareysa Puntland ee xilku ka sii dhamaanayo, kadib markii ay kala magacaabeen labo Guddi oo khilaafaad.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa 3-dii bishan December 2018 magacaabay Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada oo ah siddeed xubnood oo ay ku jiraan xubno ka tirsan dawlada sida Gudoomiye ku-xigeenka gobalka Bari Axmed Cali Cabdullaahi Ciro,  Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaalada Maxamed Cabdulqaadir Cismaan iyo Burhaan Maxamud Cilmi oo ka tirsan madaxtooyadda, sidoo kale gudigaas waxaa ku jira xubno xiriir hoose la leh Madaxweyne Gaas.

Saacado kadib magacaabistii Madaxweyne Gaas, waxaa isna Guddi kale magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, wuxuuna ku eedeeyay Madaxweyne Gaas in uu baalmaray hab-raaca magacaabidda Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada Puntland.

Gaas iyo Camey

Guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Golaha Wakiilada Puntland ayaa marar badan muran ka dhaliyey musharaxiinta iyo madaxda xilka haysa, mana ahan sharciyan guddi ku xusan dastuurka Puntland.

Musharaxiinta u tartamaya doorashada Puntland 2019 ayaa iyana ku kala aragti duwan guddigan ay kala magacaabeen Gaas iyo Camey, qaar kamid ah ayaa soo jeediyay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka, halka qaarna ay la kala safteen Madaxweynaha iyo ku xigeenka.

Madaxda waqtiga kasii dhamaanayo

Sidoo kale waxyaabaha ku cusub doorashadan ayaa ah madaxda waqtigu kasii dhamaanayo ee Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo ilaa iyo hadda midna sheegin in uu  tartamayo iyo in kale.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ay kala cadaato in ay musharaxiin yihiin iyo kale, waxayna u badan tahay in labadoodu ay u kala tartami doonaan Madaxweyne iyo ku xigeen.

Labadan masuul oo 5-tii sano ee la soo dhaafay hogaaminayay Puntland ayaa madax ka ahaa musuqmaasuq ballaaran oo dhacay, isla xisaabtan la’aan iyo hogaamin xumo, iyagoo ku fashilmay falan-qaadyadii ay horey u sameeyeen ee dhanka siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Musharax Madaxweyne ku xigeen

Waxyabaaha kale ee ku cusub doorashadan waxaa kamid ah, iyadoo aan wali la arag Musharax Madaxweyne ku xigeen Puntland 2019, xili ay waxyar ka dhigan tahay doorashada madaxtinimo ee la qorsheeyay 8-da Janaayo 2019.

Siyaasadda Puntland ee hoggaanka sare sida Madaxweynaha, ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay u qeybsan tahay hanaan qabiil, laakiin waa mid la qurxiyey kumana qorna dastuurka Puntland, waana mid muujinaysa in ninkasta yaqaan xilka uu u tartamayo.

Saraakiil ciidan oo musharaxiina

Waxaa musharaxiinta u tartami doonta doorashada Puntland 2019, kamid ah saraakiil ciidan oo caan ah, qaarkoodna ay saameyn ku leeyihiin ciidamada Puntland.

Gen. Siciid Dheere iyo Gen. Khaliif Ciise Mudan

Musharaxiintaas waxaa kamid ah  Gen. SiciidDheere oo horey u ahaa taliyaha guud ciidmada Puntland,  Gen. Asad Cismaan Cabdulaali oo ahaa taliyaha ciidamada amaanka PSF, Gen. Khaliif Ciise Mudan oo mar soo noqday Wasiir amni Puntland horey u ahaa taliyihii ugu dambeeyay ee ciidamadii cirka Soomaaliya,  Gen. Maxamed Xirsi Moorgan oo mar soo noqday Wasiirkii Gaashaandhiga dowladii Maxamed Siyaad Barre iyo Col. Jibriil Maxamed Yussuf oo ka mid ahaa saraakiishii Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa doonaya in ciidamadu ay saameyn ku yeeshaan xukunka Puntland oo tobankii sano ee dambeeyay ay maamulayeen siyaasiyiin rayid ah.

Amniga doorashada

Amnigu waa arrinta ugu muhiimsan ee saldhiga u ah qabsoomida doorashada, sidaas oo ay tahay xukuumadda Madaxweyne Gaas wali ma magacaabin cidda masuulka ka ah amniga doorshada.

Doorashadii 2014

Doorshadii 2014 xiligan oo kale waxaa shaqaynayay Guddi loo magacaabay amniga doorashada oo uu madax u ahaa Sareeye guud Siciid Dheere ayna kamid ahaayeen madaxda hay’adaha amniga.

Hadda waxaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland lagu arkayaa musharaxiin wata daagiid dagaal oo aad u badan, taas oo doorashooyinkii hore aan la ogolayn.

Suxufiyiinta

Bulshooyinka caalamka waxaa hagta warbaahinta oo si joogto ah wax uga beddesha siday u fikirayaan iyo go’aannada masiiriga ah ee ay gaarayaan, taasi waa sababta loo yiri wariyayaasha iyo warbaahinta xogtiina isku dheelitira.

Qaar kamid suxufiyiinta Puntland ayaa si bareer ah uga mid noqday taageerayaasha qaar kamid ah musharaxiinta Puntland, iyagoo ku guda jira warbaahinta, waxayna adeeg sadaan erayo iyo luuqad aan dhexdhexaad ahayn oo ay ku hadlaan taageerayaasha kuwa tartamaya.

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa dhawaan uga digay suxufiyiinta iyo musharaxiinta in ay ku xadgudbaan madax banaanida saxaafadda.

PUNTLAND POST