Musharax Gen. Asad oo si diiran loogu soo dhaweeyay Qardho


Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Puntland 2019 Gen. Asad Cismaan Cabdilaahi.

Musharaxa ayaa lagaga hortagay afaafka hore ee magaalada, iyagoo ay hareeraha wadooyinka taagnaayeen boqolaal shacab ah oo ku labisan calanka Puntland, kan Soomaaliya, sawirada iyo halku dhiga Musharaxa, ugu horayn Musharaxa ayaa mid mid u gacan qaaday dadkii soo dhaweeyay oo ay qayb ka haayeen isimmada dhaqanka, aqoonyahanka iyo qaybhaa kala duwan ee bulshada Qardho.

Intaas ka dib Musharaxa ayaa loo galbiyay gudaha magaalada iyagoo ay hareera socdaan fardo si quruxbadan loo diyaariyay, Gen. Asad ayaa markale soo dhawayn kala kulmay gudaha magaalada oo ay ku sugayeen boqolaal shacab ah, ugu danbayn shacabka ayaa isugu yimi fagaaraha barxada Beenyada.

Duqa degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan, masuuliyiinta gobolka Karkaar, odayaasha dhaqanka ayaa ugu horayn goobta ka hadlay, waxayna si mug leh musharaxa ugu soo dhaweeyeen magaalada Qardho.

Musharax Gen. Asad Cismaan Cabdilaahi oo khudbad dheer jeediyay ayaa ugu horayn u mhaadceliyay shacabka Qardho sida quruxda badan ee ay usoo dhaweeyeen, sidoo kale khudbadiisa ayuu diirada ku saaray gobolada maqan ee ka tirsan Puntland wuxuuna balan qaaday in uu dib usoo celin doono.

Sidoo kale Musharax Gen. Asad ayaa ka hadlay dhalinyaro taageeray oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo la xiray, wuxuuna ku baaqay in dhalinyaradaas dib loo siiyo xoriyadooda.

Gen. Asad Cismaan Cabdilaahi oo 1-dii bishaan December Boosaaso kaga dhawaaqay in uu ayahy Musharax Madaxweyne Puntland 2019 ayaa safaro kala duwan ku kala bixinayay gobolada Puntland.

PUNTLAND POST