Mid ka mid ah Taliyeyaasha Sare ee ciidamada Xoogga Dalka Somalia oo lagu dilay Qarax

Muqdisho (PP) ─ Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil ee ciidamada xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) lagu dilay Qarax miino oo lala eegtay gaadiid uu wataty oo marayay agagaarka deegaanka Dhadhaane oo ku yaalla dhanka xeebta Jaziiira ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga Qaraxa lala eeganayay taliyuhu uu kasoo laabtay kormeer uu ku tagay saldhig ciidamada xoogga dalka Somalia ay ku leeyihiin deegaanka Dhanaane.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in taliyaha ay la dhinteen abaanduulihii Qaybta 12-ka Abriil ee ciidamada xoogga dalka, Jen. Cabdi Cali Jamaame iyo toddoba askari oo ilaalo u ahaa labadooda.

Taliyaha la dilay, ayaa wuxuu horay u soo noqday xildhibaan iyo wasiir ku xigeen ka tisran xukuumadihii KMG ahaa ee Somalia soo maray, waxaana haatan uu ka mid ahaa hoggaanka sare ee ciidamada xoogga dalka Somalia.

Dhanka kale, Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ayaa gaaray goobta uu weerarku ka dhacay, waxayna Muqdisho u soo qaadeen taliyaha, ku xigeenkiisii iyo ciidamadii goobta ku dhintay.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilka taliyaha, balse qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in weerarkaan ay ka dambeyso Al-shabaab, inkastoo aanay jirin cid weerarkaan loosoo qabtay illaa hadda.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay weerarro noocan oo kale ah la beegsato saraakiisha ciidamada xoogga dalka Somalia, iyadoo bishii lasoo dhaafay uu weerar Qarax ka badbaaday taliye sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

PUNTLAND POST