Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka oo xirtay waddo muhiim ah oo hor-marta Xarunteeda



Muqdisho (PP) ─
Iyadoo dhawaanahan ay ka dhacayeen Muqdihso falal ay ka mid yihiin weerarro loo adeegsado Qaraxyo iyo weerarro toos ah, ayay hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Somalia ee NISA waxay xirtay waddo muhiim ah oo hormarta xarunteeda.

Xarunta NISA oo ku taalla degmada Shibbis ee Gobolka Banaadir, ayaa lasoo warinayaa in sababo amni u xirtay waddadaas, waxaana weli hay’addan aan loo magacaabin taliye, kaddib markii agaasimaheedii uu dhawaan is-casilay.

Waddadan la xiray ayaa waxay isku xirtaa Isgoyska FIAT iyo Hoteelka Global ee Muqdisho, waxaana markii hore waddadan ay ka xirnayd qayb, halkaasoo loo diiday inay gaadiidku maraan, inkastoo shacabku lug ku mari jireen.

Shacabka ku nool deegaanka Seylaani iyo Xaafadaha Degmada Shibbis ayaa ku tilmaamay qorshana mid halis ku ah isku socodkooda, waxaana qaarkood ay sheegeen inay hadda wixii ka dambeeya waddo dheer mari doonaan.

“Bartamaha laamiga ayaa lagu dhisay Ganjeel weyn, waddadan waxay noo ahayd mid aan lug ku marno si aan guryaheenna u gaarno, balse hadda wixii ka dambeeya waddo fog ayaan soo mari doonnaa,” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah shacabka ku nool xaafadaha ku dhaw xarunta NISA ee Muqdisho.

Dhanka kale, Waddadan ayaa waxaa loo mari jiray hoteel lagu magacaabo Royal Palace oo ku dhaw xarunta Nabad-sugidda kaasoo ay dagganaayeen xubno ka tirsan dowaldda Somalia, kuwaasoo haatan aana u mari doonin hoteelka ay dagganaayeen waddadii u fududeyd.

Ugu dambeyn, Dowladdii Xasan Sheekh ayaa lagu eedeyn jiray inay jidadka magaalada xirtay, balse Dowladda uu xilligaan ee Madaxweyne Farmaajo uu horkacayo ayaa kordhisay xiridda waddooyinka muhiimka ah.

PUNTLAND POST