Golaha wasiirada dowladda Puntland oo ansixiyay gobol cusub

Shirkii Golaha wasiirada xukuumadda Puntland ee Khamiista maanta ah oo uu guddoominayay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa lagu ansixiyay gobol cusub oo ka kooban afar degmo.

Gobolka cusub ayaa ka kooban degmooyinka God’aalo,Carrooleey,Sarmaanyo iyo degmada taariikhiga ee Taleex oo caasumad u ah gobolka,sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirkii Golaha wasiirada Puntland.

Golaha ayaa sidoo kale degmo cusub u magacaabay Yagoori oo ka tirsan gobolka Sool,islanarkaana ay gacanta ku hayso Somaliland.

 PUNTLAND POST