Xubin kale oo iska’casilay guddigii Camey magacaabay

Nabaddoon Khaliif Aw-cali ayaa galabta iska casilay guddi uu madaxweyne ku xigeenka Puntland u magacaabay xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland.

Khaliif Aw-cali ayaa Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ka shaaciyay is-casilaaddiisa,waxaana uu sheegay in aan waxba laga ogaysiin,islamarkaana lagala tashan magacaabistiisa.

Sidoo kale nabaddoonka ayaa sheegay in shaqadiisu tahay xallinta khilaafaadka,balse uusan qeyb ka noqon karin khilaaf laba dhinac u dhexeeya oo u baahan in isaga la xalliyo.

Guddiga uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland,Cabdixakiin Camey oo ka koobnaa 8 xubnood ayaa tan iyo saaka waxaa is’casilay 2 xubnood oo kamid ah,kuwaasoo kala ah;Axmed Aadan Carab iyo Khaliif Aw-cali.

PUNTLAND POST