MAREYKANKA: Safaaradeena Muqdisho waxay astaan buuxda u tahay Xiriirka labada Dal

Washington (PP) ─ Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Heather Nauert ayaa warbixin ay soo saartay faahfaahin uga bixisay dib-u-furidda safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, taasoo xirnayd tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii 1991-kii.

“Dhacdadan Taariikhiga waxay ka turjumaysaa horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsatay sannadihii la soo dhaafay iyo tallaabooyin kale oo horey loogu qaaday joogitaanka dublamaasiyiinta Maraykanka ee Magaalada Muqdisho, tan iyo markii ay Maraykanka aqoonsadeen DFS Sannadkii 2013-kii,” ayay Heather Nauert ku tiri qoraalka ay soo saartay.

Sidoo kale, waxay intaas ku dartay in dib-u-soo-laabashadooda Soomaaliya ay muujinayso sida ay Dowladda Maraykanka uga go’an tahay sidii horumar dheeraad ah looga samayn lahaa deggenaanshaha, dimuqraadiyadda iyo weliba horumarinta dhaqaalaha, waxayna hoosta ka xariiqday inay arrimahaas ku jiraan danaha labada waddan ee Soomaaliya iyo Maraykanka.

Dhinaca kale, Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in danjiraha Maraykanka ee Soomaaliay, Donald Yamamoto iyo kooxdiisa ay Dowladda Somalia kala shaeyn doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka wanaagsanaa ee u dhexeeya labada dal.

Madaxweyne George Bush oo dhawaan geeriyooday ayaa booqasho maalin ah ku yimid Muqdisho bilowgii sannadkii 1992-kii, isagoo xafladdii lagu soo dhaweynayya dhalashada sannadkaas kala qayb-galay 20,000 oo askari oo Maraykan ah oo uu u soo diray Soomaaliya, si ay xasillooni u abuuraan.

Ciidamadii Mareykanka ee Somalia la keenay xilligaas ayaa qayb ka ahaa hawl-galkii fashilmay ee dib-u-soo-celinta Rajada Somalia, iyadoo dagaal dhexmaray ciidamadaas iyo xoogag Somalia ah sannadkii 1993-kii looga dilay Maryekanka 18-sAskar.

Ugu dmabeyn, Dhacdadaas waxaa laga sameey filim caan baxay oo loogu magac daray Black Hawk Down, waxaana ugu dambeyn ay dagaalladaas ku qasbeen ciidamadii Mareykanka inay isaga baxaan Soomaaliya.

PUNTLAND POST