Duqa Magaalada Muqdisho iyo Duqa Garoowe oo kawada hadlay Horumarka iyo Iskaashiga

Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Siciid Muuse.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Duqa Garoowe horumarka ka socda Gobolka Banaadir, dadaallada loogu jiro dib u dejinta barakacayaasha, la dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo daris wanaagga.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in Duqa Garoowe ay isla gorfeeyeen muhiimadda ay leedahay in mustaqbalka la asteeyo madal ay ku mideysan yihiin Maamullada Dawladaha Hoose ee dalka, si la isaga kaashado baahinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, dhisidda goleyaasha deeganka, faya dhawrka, dib u dhiska iyo dayactirka jidadka.

Dhankiisa, Duqa Garoowe, Axmed Siciid Muusea ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, isagoona bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Caasimaddu.

Duqa Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Dawladaha Hoose ee magaalooyinka dalka, maadaama ay fursad u tahay kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha, xoojinta amniga iyo isdhexgalka bulshada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoonsiiyey duqa Garoowe labo kamid ah basaska waaweyn ee dadweynaha oo loo qorsheeyey Caasimadda Puntland, isagoona ugu hambalyeeyay Duqa Garoowe, Kuxigeenkiisa iyo guud ahaan Golaha Deegaanka doorashadii dhawaan lagu soo doortay.

PUNTLAND POST