Musharrax Asad oo si weyn loogu soo dhoweeyay Badhan

Musharax Asad Cismaan Cabdullaahi oo u tartamaya xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada Jannaayo 2019 ayaa si ballaaran oo mug leh loogu soo dhaweeyey degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Musharaxa iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayay waxaa soo dhaweeyay boqolaal dadweyne ah, Nabadoono, Cuqaal, ganacsato, haween iyo dhalinyaro. Musharuxu wuxuu dadweynaha kala hadlay goob fagaare ah, isagoo ka mahadceliyay sida ballaaran ee loogu soo dhaweeyay degmadda Badhan.

Annigu waxaan ahay nin degaanka ka tirsan, nin dhulka idiinla joogay, waan idiin imaan jiray anigoo ciidan ah, maanta waxaa rabaa inaan ciidankii iyo siyaasadii isku darsado”ayuu yiri musharax Asad Cismaan.

Musharax Asad wuxuu ballanqaaday haddii loo doorto xilka madaxweynaha Puntland uu dhamaystiri doono mashaariicda ka socda gobolka Sanaag, gaar ahaan mashruuca wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo. Sidoo kalena uu hirgalin doono mashaariic cusub.

Badhan waa magaalada ugu naqshada fiican, ugu wadooyinka fiican Puntland, waxaan rajaynayaa hadaan xilka ku guulaysto waxaan rajaynayaa in magaaladu noqoto wada Wado madow insha allah”ayuu yiri Musharax Asad.

Dhinaca kale, Musharax Asad Cismaan wuxuu ku booqday guryaha ay ka degan yihiin Magaaladda Badhan Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Suldaan Suldaan Maxamad Suldaan Xasan (Suldaanka Nabada).

Musharax asad iyo waftigiisa oo ka soo ambabaxay Magaalada Bosaso ayaa intii ayan soo gaarin degmada Badhan waxay soo mareen Magaalooyinka Ceel-daahir, Cawsane iyo Midigale, halkaasi si ballaaran shacabku ugu soo dhaweeyeen.

Socdaalka Musharax Asad Cismaan Cabdullaahi ee uu ugu magac daray difaac iyo dowladnimo ayaa ah mid uu barmaamijkiisa siyaasadeed iyo waxqabad uu ku gaarsiinayo shacabka Puntland ee ku nool goboladda kala duwan ee dalka.

PUNTLAND POST