Kulan wada-tashi ah oo ku saabsan dib u-eegista Dastuurka Soomaaliya,gaar ahaanna cutubyada la muraajaceeyay oo ay soo gaban qaabisay wasaaradda Dastuurka Puntland oo kaashanaysa hay’adda UNDP ayaa maanta Garoowe loogu qabtay xubno ka socday hay’adaha dowladda Puntland iyo Ururrada bulshada rayidka ah.
Agaasimaha waaxda Dastuurka ee wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka iyo Dimuquraaddiyeynta Puntland, Yuusuf Ibraahim Saalax oo kulanka furay ayaa ka warbixiyay ujeedka ay u qabteen,wuxuuna sheegay in hadafku yahay sidii loo heli lahaa ra’yiga bulshada Puntland ay ka qabto arrimaha dib u-eegista Dastuurka Soomaaliya,gaar ahaanna cutubyada la muraajiceeyay.
Agaasimaha ayaa intaasi raaciyay in ay dhammaan gobolada iyo degmooyinka Puntland gaarsiin doonaan ra’yi uruurinta iyo wada-tashiga ku saabsan arrimaha dib u-eegista Dastuurka,islamarkaana bulshada lagu wacyi-gelin doono arrimahaasi.
Dhinaca kale Caasho Cismaan Ismaaciil oo ah agaasimaha waaxda maamulka ee wasaaradda Dastuurka Puntland ayaa ku boorrisay xubnaha kulanka loo qabtay in ay soo bandhigaan fikirkooda ku aaddan dib u-eegista Dastuurka oo aysan la gabban,islamarkaana ay si fiican u dhuuxan xog is-weydaarsiga kulanka.
La-taliyaha wasaaradda Dastuurka Arrimaha Federaalka iyo Dimuquraaddiyeynta Puntland,Warsame Maxamuud Xassan(Kaytoon) ayaa sidoo kale xubnihii kulanka soo xaadiray sharraxaad ka siiyay hannaanka ugu wanaagsan ee wada-tashi bulsho looga samayn karo dib u-eegista Dastuurka,gaar ahaanna cutubyada waxka beddelka lagu sameeyya.
Mudane Kaytoon oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in qodobka ugu muhiimsan uu yahay sidii ra’yi uruurin iyo wada-tashi buuxa looga samayn lahaa dib u-eegista Dastuurka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.