Taliyaha ciidamada Milatariga dowlada Soomaaliya oo fariin u diray ciidamada Miltariga

Taliyaha ciidamada Milatariga dowlada Soomaaliya Daahir Aadan Cilmi indha qarshe ayaa galinkii dambe ee maanta kulan Muqdisho kula qaatay ciidamada cutubyo katirsan ciidamada Miltariga dowlada Soomaaliya.

Indha Qarshe ayaa la kulmay guutada 14-ka Octobar oo ah dhalinyaro dhameeystay waxbarashada dugsiga sare iyo jaamacada oo dhowaan ku biiray ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidamada in ay qaadaan howlgal culus islamarkaasina dalk ay ka saaraan Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada ayaa balan qaaday in  ay qaadayaan howlgalo culus oo ka dhan Kooxda Al-shabaab .

 

Hoos ka Dhageeyso Codka Taliyaha 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho