Qarax lagu dilay mas’uul ka tirsan Dowlada Somalia oo Goor-dhaw ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Agaasime waaxeed la sheegay inuu ka tirsan yahay wasaaradda boostada iyo Isgaarsiinta Somalia ayaa ku dhintay qarax la sheegay in loogu xigay gaari uu watay oo marayay agagaarka isgoyska Sayidka ee Muqdisho.

Mas’uulkan la dilay  oo aan magaciisa la sheegin ayaa watay gaari nooca Carrib-ta loo yaqaan ah, waxaana la sheegay inuu qaraxa ku dhintay, mana jirto cid kale oo waxyeello ay kasoo gaartay qaraxan.

Gaariga uu qaraxu qabsaday ayaa qaybta hore ka burburay, iyadoo goobta ay soo gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo maydka ka qaaday goobta, illaa haddana lama oga cidda ka dambeysay qaraxan.

Ururka Al-shabaab ayaa lagu eedeeyaa inta badan qaraxa iyo dilalka kala duwan ee ka dhaca Muqdisho, kuwaasoo lala beegsado mas’uuliyiinta iyo ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee gacanta siinaya Dowladda Somalia.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo bishii lasoo dhaafay sidan oo kale Qarax gaarigiisa loogu xiray uu ku dhintay xildhibaan ka tirsan maamulka HirShabeele iyo darawalkiisii, waxaana dilkiisa lagu eedeeyay Al-shabaab.

Ugu dabmeyn, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo laabatay inta badan qaraxyada gaadiidkooda loogu xiro dadka bulshada dhexdeedda magaca ku leh iyo mas’uuliyiinta Dowladda Somalia.

PUNTLAND POST