Dagaal Caawa ka soconayo duleedka Jowhar

Wararka haatan naga soo gaaraya duleedka degmada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka soconayo dagaal culus oo u dhaxeeyo maleeshiyo beeleedyo halkaasi wada daga.

Dagaalka ayaa waxa uu ka socdaa inta u dhaxeeyso deegaanada Maandheere iyo koongo ee duleedka degmada Jowhar.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo beeraleey ah oo isku heeysto dhul beero ah oo ku yeela deegaankaasi.

dagaalka ayaa galabta ilaa hadda halkaasi si toos ah uga socdo inta u dhaxeeyso Maandheere iyo koongo ee gobolka Sh/Dhexe.

Maamulka Hir Shabelle ayaa isku dayaya in ay joojiyaan dagaalkaasi islamarkaasina dhinacyadaasi kala dhaxgalaan.

Mid kamid ah dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya oo la hadlay Warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku soo qaadeen dad doonaya in ay qaateen dhul beereedyo ay leeyihiin.

Hoos ka Dhageeyso wareeysiga waxaa wareeystay Wariye Cowke oo PP Katirsan 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho