Dableey hubeeysan oo rasaas ku furay dad shacab ah Gobolka Gal-Gaduud

Dableey hubeeysan ayaa rasaas qasaare geeystay ku furay gaari ay saarnaayeen dad rayid ah duleedka deegaanka Godin-labe ee gobolka Gal-Gaduud.

1 ruux oo dumar ahaa ayaa ku dhintay rasaastaasi tiro ku dhow 5 ruuxna dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray rasaastaasi.

Cabdisalaan Axmed Mire oo ah gudoomiye ku xigeenka deegaankaasi oo la hadlay Puntland Post xafiiska warqabadkeeda ee Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu falkaasi u dhacay.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan sida ay u soo qaban lahaayeen kooxahaasi falkaasi geeystay.

Gobolka Gal-Gaduud ayaa dadka ku safraya waxa ay la kulmaan dhibaatooyin ay u geeystaan kooxo burcad ah oo dhibaatooyin u geeysta dadka safarka ee ku socdaalaya deeganada kala duwan ee gobolkaasi Gal-Gaduud.

Hoos ka Dhageeyso Wareeysiga Waxaana Wareeystay Wariyaha PP ee Muqdisho Cowke 

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post