Cadaani Hirmooge ” Si fiican ayaa naloogu soo dhoweeyay Jig Jiga”

Masuuliyiin sar sare oo katirsan ONLF ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay magaalada Jig Jiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Afhayeenka ONLF Cadaani Hirmooge oo la hadlay wariyaasha ayaa faah faahin ka bixiyay socdaal ay maanta ku tageen Jig Jiga.

Cadaani Hirmooge ayaa sheegay in ay tagi doonaan deegaano katirsan ismaamulka Itoobiya islamarkaasina ay la kulmi doonaan dadka deegaanadaasi.

Mar wax laga weeydiiyay in ay ka tanaasulayaan fikirkoodii ayuu sheegay in aanay ka tanaasulin fikradooda hayeeshee ay joojiyeen dagaalkii ay wadeen.

Dhowaan ayeey aheyd markii heshiis ay wada gaareen Itoobiyo iyo ururka ONLF oo dagaal muddo dheer kula jirtay dowlada Itoobiya.

Hoos ka Dhageeyso Codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post