Mursal oo si ka badelan soo dhoweynadii hore loogu soo dhoweeyay Muqdisho

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa safar shaqo ugu maqnaa dalka Turkiga maalmihii la soo dhaafay.

Soo dhoweyn ka duwan soo dhoweynadii hore ee Muqdisho loogu sameeyn jiray gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa loogu sameeyay garoonka Muqdisho.

Inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu isku khilaafsan kala diristii guddiga maaliyadda ayaa ku soo dhoweyay garoonka Aadan Cadde.

Amb. Mursal oo si kooban u la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in wixii warbixino ay ku dhiibi doonaan xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa laga sugayaa in uu si faahfaahsan uga hadlo kala diristii gudoomiye ku xigeenka uu dhawaan ku sameeyay guddiga maaliyada Baarlamaanka oo khilaaf badan ka dhex abuurtay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso Warbixin Wariyaha PP ee Muqdisho Xasan Cowke uu ka diyaariyay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho