Lahaansho mise libin raadin – Maqaal

Qore: Ismail Abdullahi Elmi

Kuala Lumpur, Malaysia

Ismacc3@gmail.com

GUNDHIG

ujeedka ugu weyn ee dowlad ama maamul loo dhisto waxaa weeye in bulshada ku dhaqan waddanka/gobolka dowladda dhisanaya ay helaan adeegga guud ee dadka ka dhexeeya. Adeegyada guud waxaa tusaale u ah “nabad gelyada, wax barashada, caafimaadka, waddooyinka, xiriirka dalku la leeyahay dunida kale iwm”. Tilmaamaha danta guud iyo danta gaarka ah ku kala duwanyihiin waxaa ka mid ah, baahida wadareed ee bulshada u dhexaysa iyo baahida gaarka ah ee qof ama koox dad ah u gaar ah.

Madaxda loo doorto haqab-tirka baahiyaha guud iyo fulinta adeeg-wadareedka bulshadu, waxay ka dhiganyihiin shaqaalaha loo adeegsado danta gaarka loo leeyahay. Haddaan weedhaas faahfaahiyo, qofkii loo igmado xil bulshadu leedahay waxaa lagama maarmaan ah in lagula xisaabtamo fulinta shaqada loo dirsaday sida qofka sida gaarka ah loo adeegsaday.

Tusaale:

Shirkadaha ama ganacsiyada gaarka loo leeyahay waxaa ka jira isla xisaabtan ku salaysan danta hormarinta ama ilaalinta hantida ganacsiga oo haddii qof shaqaale ka ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ka maqnaado shaqadiisa ama heshiiskii lala galay uu jebiyo, waxaa badanaa lagu fuliyaa ciqaab u dhiganta dayaca ama gaabiska shaqaalahaasu sameeyay………. Haddaba, qofka danta guud loo dirsado (Madax weyne, wasiir, maamule dan guud iwm), waxaa lagama maarmaan ah in lagula xisaabtamo gudashada shaqada bulshadu u dirsatay. Si xisaabtankaas guud loo helo waxaa lagama maarmaan ah arrimaha soo socda.

  1. Hal beeg qoran oo tibaaxaya awoodda iyo aqoonta xirfadeed ee adeeguha laga rabo inta aan xilka loo dhiibin.
  2. Xeer caddaynaya ciqaabta uu mudanyahay masuulka gudan waaya shaqada loo igmaday ama tagri fal ku sameeya hantida iyo danta
  3. Guddi ama hay’ad sharciyeed oo awood fulineed u leh sixitaanka, shaqo ka joojinta am axil-ka qaadista adeegaha gudan waayay ama dayacay
  4. Hab-raac rasmi ah oo si saamigal qumman ah u ilaalinaya danta bulshada iyo sharafta masuulka lala
  5. Waa in lagu faafiyo dhammaan xeerarka, hal-beegyada, hab raacyada iyo xuquuqda bulshada ama edeegaha JARIIDADDA RASMIGA AH (GAZETTE) ee bulshada wada gaarta si bulshadu u ogaato xuquuqda ruux walba leeyahay iyo waajibaadka

DHIIRI GELIN IYO TALO SIIN

Waxaa muhiim ah in bulshada loo adeegayo ku taageerto masuulka xilka u haya talo togan oo ka maran eexsi dhaqaale ama dan gaar ah, si ay ugu sahlanaato gudashada shaqadiisu, isla markaasna sinnaan iyo hawlkarnimo uu ku doorto shaqaalaha u qalma shaqooyinka kale. Sidoo kale waxaa muhiim ah in masuulka/masuuliyiinta lagu dhiiri geliyo gudashada xilka ay hayaan, waxaanse sax ahayn in masuuliyiinta loogu kala dhuunto eex iyo dano gaar ah oo caddaaladda burinaya shaqadoodana caqabad ku noqonaya.

LAHAANSHO

Cinwaanka maqaalka waxaa ka muuqda erayga lahaansho, qoraagu wuxuu eraygaas ula jeedaa labo arrimood oo kala ah

  1. Masuulka xilka haya bilowgiiba (intaan xilka loo igman) wuxuu ula sinnaa qabashada shaqadaas ummadda uu ka tirsanyahay ee u dooratay/dhiibtay, sidaas darteed waa in uu muujiyaa lahaansho asal ah oo ka fog tagri fal iyo dayac
  2. Sidoo kale marka shaqada loo doorto ka dib, waa in uu masuulku muujiyaa in xilku yahay mas’uuliyad loogu dirsaday in uu u guto sida ugu sarraysa ee uu awoodo maaddaama dad kale oo qaban lahaa isaga looga door

LIBIN RAADIN

Sidoo kale cinwaanka maqaalka waxaa ka muuqda erayga LIBIN-SHEEGASHO oo qoraagu ula jeedo weydiinta soo socota.

Qofkii loo dirsado in uu shaqo qabto, oo shaqadii qaarkeed fuliya in badan oo kalena u harsantahay, ma laga filaa inuu ku faano ama dalbado in loogu sabciyo inta yare e u hir gashay iyadoo uusan xil weyn iska saarayn inta badan ee qabyada ka ah?

Waxaa in badan dhagahayga kusoo dhaca masuuliyiin xil haya oo u beretama in ay ku faanaan ama sheegtaan hawl kooban oo ka mid ah walxo badan oo markii horeba loo dirsaday iyaga oo aan xoogga saarayn qabyada waajibkii laga sugayay, yaabkaygee, waxaan sidoo kale la kulmaa in badan oo ka mid ah bulshadii shaqada loo qaban lahaa oo sida saxda ah, la xisaabtami lahaa masuulka/masuuliyiinta oo ku mashquula difaac ku salaysan xisbi, koox ama reer.

Marka laga hadlayo xisaabtanka ku aaddan gudashada danta guud ee bulshadu leedahay, waxaa sax ah in la adeegsado HALBEEG lagu cabbiro sida:

  1. Xilka loo doortay muggiisa iyo hawlaha laga rabay
  2. Wixii u qabsoomay
  3. Wixii qabsoomi waayay
  4. Caqabadaha uu masuulku sheego inay ka hor joogsadeen gudashada shaqadii qabsoomi weyday iyo caddaymaha uu soo bandhigo
  5. Taakulada iyo taageerada masuulku ka helay bulshada danleyda ah iyo wixii kale oo muhiim

QOF SHAQO/WAAJIB LOO DIRSADAY HADDII UU WAXYAR KA FULIYO KUMA HABBOONA IN LOOGU SACAB TUMO INTA YAR EE U QABSOONTAY EE ABBAARTU WAXAY TAHAY IN UU DADAAL DHEER U GALO INTA BADAN EE U HARSAN BULSHADUNA KU TAAGEERTO DHIIRRI GELIN IYO TALOOYIN TOGAN.

Haddii nin ganacsade ahi shaqaalaysiiyo nin uga shaqeeya meherad, toloow shaqaaluhu ma wuxuu sheegsheegaa shaqadiisa maalinlaha ah ee loo dirsaday ee weliba magdhaw lacageed lagu siiyey? Maya ayay ila tahay.

GUNAANAD IYO TALOOYIN

Si adeegaha danta guud shaqadooda ugu qabtaan sida ugu hufan waxaa muhiim ah arrimahaan

  1. In marka hore loo dejiyo halbeegyo loogu kala doorto tartamayaasha mudnaanta xilka loo dirsanayo dhanka aqooneed, awoodeed ama
  2. In La helo habraac caddaynaya awoodaha iyo shaqada laga rabo adeegaha/masuulka.
  3. Lifaaqyo caddaynaya heerka ciqaabeed ee masuulku ku mutaysanayo dayaca ama gudasho

la’aanta shaqadiisa

  1. In la hirgeliyo guddi ama hay’ad awood u leh in ay la xisaabtanto mas’ulka ugu sarreeya adeegayaasha bulshada (madax weynaha) isla markaasna awood fulineed oo madax bannaan la siiyo guddiga/xarunta.
  2. In bulshadu (mas’uuliyiinta bulshadu) ku taageeraan gudashada shaqooyinka iyadoo dhiirri gelin, duco, talooyin iyo iskaashi ku kaabaya adeegaha/adeegayaasha.
  3. Ilaalinta sharciga u yaal bulshada iyadoo loo simanyahay isla markaasna caddaalad lagu salaynayo shaqaalaysiinta ama fursadaha
  4. Filashada bulshadu waa in ay ka gun dheertahay lab la kac iyo sacab tun eek u salaysantahay qiimayn dhab ah ee masuulka lagu qiimaynayo gudashada adeegyadii loo dirsaday iyo ballan qaadkiisa.

Qoraalkaan waxaa igu kallifay in aan bidhaamiyo ahmiyadda ay leedahay in ruux waliba xoogga saaro gudashada xilka uu bulshada u hayo isla markaasna la isku taageero taabba-gelinta hor-marka bulshada soomaaliyeed si turxaan la’aan iyo xanaf yari lehna la isu saxo ee aan lagu wiirsan qofkii wax ka khaldamaan sidoo kalena aan si indho la’aan ah eex loogu taageerin ruux dhalliil leh. Dhalliil kasta oo cilmiyaysan isla markaasna ka maran xanaf iyo ceebaal oo ku qotonta gaabiska uu la yimid adeegaha la dhalliilayo, waxay kobcin kartaa hanka bulshadu iyo filashada bulshada.

Qore: Ismail Abdullahi Elmi