Dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba beenisay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay lacag ugu deeqday dhismaha jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo ee ay iska’ kaashanayan Puntland iyo shacabkeeda.
War-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in lacagta $1500,000.00(hal malyan iyo shan boqol oo kun oo Dollar) ee xukuumadda Federaalku sheeganayso ay tahay qoondadii Puntland ka heshay deeq ay bixisay Midowga Yurub oo la soo mariyay dowladda Soomaaliya.
Qoonadaas ayaa sida war-murtiyeedka lagu sheegay dowladda Puntland dhammaanteed u leexisay jidka Ceeldaahir-ceerigaabo ee dhismihiisu socdo.
Dhinaca kale Puntland ayaa Villa Somalia ku eedaysay in laga la’yahay qoonadii Puntland ku lahayd lacag dhan $200 oo malyan Dollar,taasi ay Soomaaliya ugu deeqday dowladda Qatar iyo lacago kale oo si joogta ah loogu soo qaato magaca Soomaaliya.
War-murtiyeedka ayaa la sooo raaciyay lifaaq caddaynaya in lacagta$1500,000.00(hal malyan iyo shan boqol oo kun oo Dollar) a tahay qoonadii Puntland ka heshay deeq ay bixisay Midowga Yurub oo loo yaqaan”Surge-Money”.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar
You must be logged in to post a comment.