Diiwaangalinta Musharixiinta Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka bilaabatay

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo hadda xarun KMG ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta oo sabti ah ka biloowday diiwaangalinta musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo maamulkaas

Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa diiwaangalinaya Musharixiinta doonaya in u tartamaan xilka madaxtinimo ee maamulkaasi.

Guddiga ayaa sidoo kale siinaya shahaada loogu ogolaanayo in ay isku soo taagaan jagada madaxtinimo ee maamulka koonfur Galbeed.

Musharax kasta oo ka mid ah musharixiinta u loo lamaya in uu noqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa laga doonayaa in uu bixiyo qiimo lacageed oo gaareysa 20,000 oo Dollarka Mareykanka ah.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa dhaceysa 28-Ka November ee sanadkaan aan ku jirno 2018-ka oo ku beegan Arbacada soo socoto haddii alle idmo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland PostĀ