Puntland: Waa dhardhaarka dheeli tira Faderaalka

Waxa ay ahayd bilowgii sanadkii 1993 kii iyo shirkii nabadaynta Soomaalida ee Addis, markii ugu horaysay ee ay qarammada midoobay u caddaatay qaabka kaliya ee dawlad soomaaliyeed dib loogu yagleeli karaa inay tahay, in loo sameeyo Soomaalida shan maamul oo u dhisan qaab isir-wadaaga, ka bacdina isugu yimaada dawlad dhexe. Madaxdii iyo siyaasiyiintii gobaladii waqooyi bari lama aysan dhacsanayn oo keliya fikirkaan ee waxay lug ku la haayeen hindisihiisa. Wixii xiligaas ka dambeeye dabaqadda siyaasadda ee reer waqooyi bari waxa ay dhexda u xirteen sidii fikraddaas looga mira dhalin lahaa. Waxa ayna ku guulaysteen isku-day goodii ugu horeeyey kolkii sanadkii 1998 ay dhidibbada u dhigeen dhardhaarkii ugu horeeyey oo fadaraala. Sanadkii 2004 tiina waxa ay ku guulaysteen inay tijaaba doodii ay Soomaalidii kale ka gadaan, sidaasna ay ku dhalato dawlad fadaraalihi.

Madaxwayne Cabdullaahi Yusuf oo ahaa hoggaamiyihii Puntland ee xilligaas waxa uu yiri waxa aanu ahayn cidda kaliya ee lahayd qorshe agaasiman iyo goolal ay ahayd in laga miro dhaliyo. Gool ka ugu wayna waxa uu ahaa nidaamka fadaraalka. Sidaas daraadeed ayaanu xoogga u saarnay ayuu yiri guddigii dastuurka oo muhiim noo ahaa. Eeg buugiisa halgan iyo hagardaamo. Xilligii xukunkii madaxweyne Faroolana reer Puntland waxa ay dhamays tireen hanaankii iyo hadafkii ay fadaraaliisimka ka la haayeen.

MAXAY PUNTLAND FADARAALAYNTA U RABTAA?

Gobollada iminka Puntland laysku yiraahdo waligood ba waxa ay ahaayeen mandiqad ay ilbaxnimo siyaasaseed ka jirtey. Laga soo bilaabo bilowgii qarnigii siddeed iyo tobnaad illaa bartamihii qarnigii labaatanaad waxaa gobolka ka hirgalay maamulo gayiga soomaaliyeed caan ka ahaa sida Boqortooyadii Baargaal, Saldanaddii Warsangaliga, Saldanaddii Hobyo iyo dhaqdhaqaaqii daraawiishta. Sidoo kale gobolku waxa uu saldhig u ahaa ururkii gobanima doonka ee SYL oo afar ka mida aasaasayaashiisii ay gobalka ka yimaadeen. Qaangaar nimada siyaasadeed ee gobalka ka jirtay ayaa u sahashey madax-siyaasadeedkii gobolku inay yeeshaan hiraal iyo aragti ka gadisan madaxdii kale ee dalka. Taas ayaana keentay inay hindisaan kuna qanciyaan bulshadii caalamka hanaan hoos wax ka dhisa oo lagu midayn karo quluubta qoomamka kala irdhoobey.

Qodobka ugu muhiimsan ee reer Puntland nidaamkaan ku riixayse waxa uu ahaa tabasho tasowday oo ay waligood ba tirsanayeen. Xilligii dawladdii rayitka gobol kooda waxaa loo aqoon jirey gaari waa, adeeg yada dawladduna ma gaari jirin. Xilligii kacaan kii Maxamed Siyaad na gobolku waxa uu ahaa meeshii ugu horaysay ee lagu bilaabay siyaasaddii caburinta, dilka,dhaca,xariga,kufsiga iyo bara-kicinta. Xilligii burburkana waxa ay ahaayeen cidda uu khasaaraha ugu wayni ka soo gaaray dagaalkii sokeeye iyo barakicii caasimadda laga barakacay. Maadaama ay dhibbane u ahaayeen dhacdooyin kaan, marna ma doonayaan inay ka mid noqdaan nidaam ay awooddu hal magaalo, hal koox iyo hal qof ay ku uruursantahay.

KHILAAFYADA PUNTLAND IYO DAWLADDA DHEXE

Soomaalidu waxa ay ku maahmaah daa maan rag waa mudacyo afkood, waana ay adagtahay in labo mudac afkood laysku beego, khilaafkuna sidiisaba ceeb maahan ee waxaa ceeba inaan la oggolaan in lays khilaafi karo iyo inaan farqiga khilaafka xal loo heli karin. Bulsho kasta oo aqbasha khilaafka ayaa maaraysa xalna u hesha farqigiisa. Khliaafka Puntland iyo dawladaha dhexe ee hadba xamar ka hirgalaa waxa uu salka ku hayaa aragtida laga qabo fadaraaliisimka gaar ahaan awood qayb siga. Madaxda dawladda dhexe ee Xamar fadhidaa marna kuma qanacsana nidaamkaan, sidaas daraadeed waxa ay inta badan qaadaan tillaabooyin isku eg. Oo ay ugu horayso, shaki galinta iyo furfuritaanka fadaraaliisimku. Ayna labayso, faquuqidda iyo ciqaabista Puntland oo ay u arkaan dheeli-tiraha koobaad iyo dhardhaarka sharciyadda fadaraaliisimka. Saddexna ay tahay, marooqsiga iyo wiiqista awoodaha is dheeli-tira sida golayaasha xeer dajinta, garsoorka, dastuurka iyo maamul gobaleedyada. Puntland-na marna lagama yaabo inay aqbasho ama ka mid ahaato nidaam ka hooseeya dawlad fadaraala, sidaas daraadeed weerar walba oo lagu qaado sharci-siyaasadeed ka dalka waxa ay u aragtaa ka bixid laga baxay heshiiskii dawlad dhisida.

DAWLADDA NABAD IYO NOLOL MAXAY UGA GADISAN TAHAY KUWII HORE?

Dhamaan dawladihii dhexe ee dalka soo maray marka laga reebo dawladdii Cabdullaahi Yuusuf waxa ay ka midaysnaayeen la dagaalanka fadaraalka. Inkasta oo dawladdii Xassan Shiikh ay dagaal rasmiya iyadu la gashay nidaamkaan, haddana aakhirkii waa ay ku guulaysan waydey isku daygeedii. Lakiin dagaalka dawladda Farmaajo ayaa ah mid ka gadisan kana khatar badan dagaalkii dawladdii Xasan Shiikh. Dawladda Farmaajo ayaa ah dawladaha nooca xamaas ku dhaladka loo yaqaan, oo ah nooca uu saldhiga u yahay dhaqan kooda waxa la yiraahdo populism-ku oo ah laab la kaca aan waaqica ku salaysnayn. Inta badan mdaxda dawladaha noocaana hogaamiya ayaa loogu yeeraa marin-habaabiyayaal (demagogue leaders). Maxaa yeelay shacbigooda ayay u sheegaan khuraafaad iyo khudbooyin xamaasiya oo waaqica ka fog. Dhaqamada marin-habaabintu waxa ay si aada uga muuqdataa raysal wasaare Khayre oo ay aad ula wayntahay amar ku taag laynta iyo anaa iridu. Waxaa kale oo ay marin-habaabiyayaashu caan ku yihiin magac dilka iyo u magac bixinta dadka fikirka uga soo horjeeda.

Marin-habaabiyayaasha (demagogue leaders) waxaa lagu yaqaan inay la diriraan sharciyadda, maxaa yeelay waxa ay u socdaan inay u xuubsiibtaan kali-talisnimo. Xiisaha ay uqabaan in la koolkooliyo magacooda iyo kharashka xad dhaafka ah ee ay ku bixiyaan baahinta muuqooda ayaa ah tilmaan kale oo aad ku garan kartid marin-habaabiyaha. Ogow marin-habaabiye aan la xakamayni wuxuu u xuubsiibtaa kali-talis kaas oo isna marka dambe u xuubsiibta dhiig-yacab. Waxa kaliya ee dhiig-yacab laga dhaxlaana waa wixii aynu dhaxalnay soddon sano ka hor. Sidii aynu horayba usheegnay Puntland ayaa iyana waxa kaliya ee ay u jirtaa waxa ay tahay inaan dhaqamadii kaligi-talis nimada iyo dhiig-yacab nimadu dib usoo noqon. Markasta oo ay dareento in marin-habaabiye uu bulshada weedhihiisa naxliga leh ku af-duubi rabana, dadka kale waa ay ka qaylo dheertahay.

GUNAANAD

Soomaaliya waa dal burburay oo hadana siyaasad ahaan u fashilay. Dhib aad u wayn ayaana laga soo maray isla baadi goob kiisa. Iyada oo maanka lagu hayo wixii rogay ayaa loo sameeyey nidaam ay ku kala badbaadi karto dibna ugu dhismi karto. Dadka aan xog-ogaalka ahayni waxa ay inta badan dhaleeceeyaan dastuurka dalka iyaga oo ku tilmaa inuu yahay mid is burinaya. Laakiin waxa ay hilmaansan yihiin inaynu nahay colaad ka soo daah (post conflict) sidaas daraadeed dalalka colaad ka soo daahaa waxaa lagu dhaqaa xeerar gooniya, maxaa yeelay waxaa looga turayaa inay colaadii dib ugu noqdaan. Si aysan taasi u dhicin waa in awooddu qaybsanataa. Dastuurka, Fadaraaliisamka, aqallada xeerdejinta iyo garsoor kuba waa dheeli-tirayaasha xakameeya ama dheeli-tira hay’adda fulinta si aysan awoodda ugu tagri falin. Dawladda nabad iyo nolol si ka gadisan ku wii ka horeeyey ayay ula dirirtay sharciyadaas, waxa ayna meesha ka saartay dheeli tirayaashii xakamyn lahaa awooddeeda. Nasiib daro waxaan jirin gole iyo garsoor madax banaan toona. Laakiin nasiib wanaag waxaa jira Puntland oo ah hormuudka maamulada ahna dheeli-tiraha kaliya ee rasmigaa ee u taagan dheeli-tirka dawladda dhexe, ha jeclaadeen iyagu amaba yaysan jeclaane.

Dadka aan aqoonta u lahayn dhaqan siyaasadeedka reer Puntland waxaa isaga khaldama ashkhaasta maamulka joogta iyo hiraalka siyaasadeed ee ay Puntland ku dhisan tahay. Xilligii madaxwayne Faroole oo dawladdii Xasan Shiikh loolan adag uu kala dhaxeeyey ayaa qolyihii Xassan aad ugu farxeen dhicistiisii, Faroole isaga oo xasuusinaya in waxa ay is hayeen aysan ahayn shakhsiyaddiisa ee ay ahayd sharciyadda ay Puntland ku dhisan tahay ayuu yiri ” waxba ha ka farxina midka i badalayaa waa iga sii daran yahay” Iminka waxa aynu ku sugannahay marxalad kale oo is maan dhaafa iyo amin doorasho. Haddaba si aysan khalad noocii Xassan Shiikh oo kalaa aysan ugu dhicin qolyaha nabad iyo nolol, waa in ay ogaadaan in cid walba oo aaminsan wax ka hooseeya sharciyadda ay Puntland ku dhisantahay ay adagtahay in laga gado dadka reer Puntland, xitaa haday guulaystaana ay adag tahay inay ku hoggaamiyaan fikir ka hooseeya waxa ay Puntland u taagan tahay.

Fiiro Gaara: haddaad rabtid inaad macluumaad dheeraada ka ogaato dhaqamada Marin-habaabiyaha, akhri maqaalka Saddexda Ilma Dage iyo dagaaga dal baa ka dhaxeeye oo bishii May ku soo baxay isla mareegtaan Puntland Post.

Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi