Gabadh uu dhalay Madaxweyne D. Trump oo Tageertay Ololaha ay Waddo Ilhaan Cumar

Washington (PP) ─ Gabadha uu dhalay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee lagu magacaabo Ivanka Trump ayaa taageertay Ilhan Omar oo ka soo jeedda Somalia, dhawaannaha ku biirtay Congaress-ka Mareykanka.

Tallaabadan ayaa salka ku haysa isbedel ay doonayso in lagu sameeyo sharci muddo dheer u yallay Aqalka Wakiillada Mareykanka oo ah inaan madaxa lagu daboolan karin gudaha aqalkaas.

Ilhan Omar oo dhawaan noqotay Gabadhii u horeysay ee Muslim ah oo ka xijaaban madaxa oo loo doortay xubinnimada Koongareeska Mareyaknka ayaa wadda olole uu wado xisbigeeda Dimuqraaddiga oo ay ku doonayaan in wax looga beddelo xeerkan oo lagu soo dhaqmayay 181 sanadood.

Sidoo kale, Arrintaan ayay siyaasiyiinta xisbigaas ku damacsan yihiin in golaha wakiillada loogu fasaxo Qodobbada la xiriira diimaha ee daboolidda madaxa, sida xijaabka muslimiinta, koofida Yuhuudda iyo duubabka kale.

Dhanka kale, Sannadka soo socda ayaa la filayaa in la ansixiyo qodobbadaas marka ay Dimuqraaddigu si rasmi ah ula wareegaan Aqlbiyadda Congress-ka Mareykanka, inkastoo aan la ogeyn tallaabada uu qaadi doono Trump marka la ansixiyo qodobbadan.

“Ma jirto cid igu qasbaysa inaan madaxeyga xijaab ku daboolo, balse aniga ayaa doortay. Waa dookheyga, waana arrinta u horreysa ee isbedelka lagu sameynayo. Arrintan  ma aha wixii ugu dambeeyay ee aan doonayo inaan xayiraadda ka qaado,” ayay tiri Ilhan Omar.

Ivanka Trump ayaa taageertay arrinta isbedelka ay dooneyso Ilhan Omar in lagu sameeyo Congress-ka, waxayna qoraal ay soo dhigtay Twitter-keeda ku tiri “Isbadel sharci oo muhiim ah ayaa lagu sameyn doonaa aqalka Koongareska.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Mareykanka ee dhalay Ivanka ayaa waxaa lagu yaqaanaa hadallo muslim nacayb ah, iyadoo aan la ogeyn sida ay iskula jaan-qaadi karaan go’aannadiisa iyo taageerada gabadhiisa ay siinayso Ilhan Omar.

PUNTLAND POST