Muuse Biixi oo mar kale sabab u noqon kara dagaal dib uga qarxa Tukaraq

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka safarkiisi u horreeyay tan iyo markii uu xilka qabtay ugu baxay dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Madaxweyne Biixi ayaa sida wararku sheegayaan ku wajahan gobolada lagu muransanyahay ee Sool iyo Sanaag,balse waxaa la filayaa in uu ku hakado xarunta gobolka Togdheer ee Barco.

Socdaalka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid loogu kuur-galayo xaaladda gobolada bari ee Somaliland,waxaana degaannada uu booqanayo kamid ah dhulka lagu muransanyahay ee Sool iyo Sanaag.

Labada gobol(Sool&Sanaag) ayaa u kala qeybsan Puntland iyo Somaliland,hase yeeshe dhinac walba wuxuu sheegtaa in isagu goboladaasi ka taliyo.

Gobolka Sool oo kamid ah meelaha la qorsheeyay in uu booqdo madaxwenuhu ayaa waxaa in mudda ah ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhexaysa labada maamul,taas oo markii horeba ka qaraxday amar uu bixiyay mudane Biixi.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa in ka badan 10 bilood isku’ horfadhiyaa degaanka Tukaraq halkaasoo dagaallo qaraar ku dhex mareen tan iyo markii Somaliland qabsatay tuuladaasi 8 Jennaayo 2018.

Waxaa jirta cabsi ay dadka degaanku ka qabaan in Muuse Biixi mar kale sabab u noqdo dagaal ka dhex qarxa ciidamada is-hor fadhiya,haddii uu booqdo gobolka Sool.

PUNTLAND POST