Madaxweyne Gaas oo markale dil ka furtay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel)

Sawir hore: Maxkamadda ciidamada Puntland 02/03/2013

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa markale sii daayay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo ku xakunaa dil toogasho .

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Puntland ayaa PUNTLAND POST u xaqiijiyay in la sii daayay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil oo 12-kii bishan November maxkamada ciidamada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland ku riday dil toogasho.

Sida ay ogaatay PUNTLAND POST maamulka degmada Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug ayaa ka codsaday Madaxweyne Gaas in uu siidaayo ina Calool Geel  oo ay sheegeen in xukun kiisu falal amni daro ka abuuri karo labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.

Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo Madaxweyne Gaas amray in la siidaayo ayaa maanta laga qaaday garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana la sheegay in lagu wareejinayo eheladiisa oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Puntland iyo Ina Calool Geel

Markii ugu horeysay xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole ayaa maanta oo kale 17-kii November 2012 magaalada Gaakacyo ku qabatay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo la sheegay in uu ahaa madaxii dhaqaalaha iyo saadka Al-shabaab ee gobolka Mudug, waxaana la sheegay xiliga la qabtay in uu waday boorso ay ku jiraan walxaha qarxa islamarkaana uu qirtay inuu yahay Al-shabaab.

Maxkamadda ciidamada Puntlnad ayaa 2-kii March 2013 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil ku diray xukun dil ah, waxaana xukunkaasi sababay in labo qof oo reer Puntland ah lagu afduubo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Kadib doorashadii Madaxweyne Gaas 2014-kii, ayaa xasbiga laga siidaayay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) , waxaana qaab nabad ah la isku dhaafsaday Calool Geel iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu haystay Koonfurta Gaalakcyo.

Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa lagu eedeeyay siideyntii sii kadib inuu ka dambeeyay qaraxyo iyo dilal ka dhacay gudaha Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale isku dhacyadii dhexmaray Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale ina Calool Geel ayaa mar la sheegay in lagu dilay weerarkii 28-kii  September 2016 ciidamada Puntland oo kaashanaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen meel bariga uga beegan Gaalkacyo, kaas oo lagu beegsaday koox lagu tuhunsanaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Puntland ayaa markale 23-kii July 2017 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) iyo saddex qof oo kale ku qabatay howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada sirdoonka Puntland iyo Galmudug, kaas oo laga fuliyay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Puntland ayaa markale xukun dil ah ku riday 12-kii bishan November, 2018 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel), sida uu sheegay Gudoomiyaha maxkamada ciidamada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland G/sare Cawil Axmed Faarax.

Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug waxaa 13-kii bishan November, 2018 ka  dhacay mudaharaad kooban oo ay dhigeen dad u badan dhalinyaro, kaas oo looga soo horjeeday xukunka Puntland ku riday Cabdirasaaq Xuseen Tahliil oo ay ku sheegeen in uu ahaa nin ganacsade ah.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa markale maalin ka-hor dil ka furtay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo lagu eedeynayay madaxda Al-shabaab, waxaana maanta loo duuliyay Muqdsho.

PUNTLAND POST