Somalia oo ka mid noqotay saddexda waddan ee ugu halista badan caalamka oo dhan

Muqdisho (PP) ─ Dalalka Soomaaliya, Libya iyo Afghanistan ayaa noqday dalalka ugu khatarta badan Dunida oo dhan, sida lagu shaaciyay daraasad cusub oo ku aaddan waddamada loo safro dunida.

Daraasadda oo ay si wadajir ah u soo saareen hay’adda caafimaadka iyo nabad-galyada ee SOS iyo hay’adda la socodka khataraha adduunka ayaa musaafuriinta loogu sheegayay xaaladaha ka jira meelaha ay safarada ku tagayaan sannadka foodda nagu soo haya ee 2019-ka.

Waddamada Yurub ee kala ah; Finland, Norway iyo Iceland ayaa iyagana loo aqoonsaday inay yihiin dalalka ugu nabdoon Dunida ee loo safri karo, halka Waddamada Somalia, Libya, Afghanistan iyo Syria ayaa safka hore ka galay meelaha uu khatarta dhimashada iyo waxyeellooyin kaleba kala kulmo karo qofka.

Sidoo kale, Liiska waddamadan ayaa la isugu xijinayay sida ay u kala halista badan yihiin, iyadoo dalalka ugu hooseeyana ay yihiin kuwa ugu khatarta yar caalamka oo dhan.

Waxyaabaha ugu badan ee sida gaarka ah diiradda loo saaray ayaa waxaa ka mid ah; xaaladaha caafimaadka, amniga iyo nabad-galyada waddooyinka iyo kuwo kale oo muhiim ah.

Dalalka Afrika ee sida gaarka ah ay caafimaad darradoodu aad ugu sarreyso ayaa lagu sheegay inay yihiin; South Sudan, Ivory Coast, Sierra Leone iyo Niger. Waxaa kaloo liiskan ku jira dalalka; Ciraaq, Lubnaan, Venezuela iyo North Korea.

Waddamada  kale ee xaaladooda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay ayaa lagu sheegay inay kala yihiin dalalka; Canada, Mareykanka, New Zealand iyo Japan. Halka Waddamada Brazil, Shiinaha iyo Ruushka ayaa loo tix-galiyay in khatartooda caafimaad ay sii kordheyso.

Dhanka kale, Marka la eego dhinacyada Amniga, Waddamada ay khatarta xad-dhaafka ahi ka jirto ayaa lagu tilmaamay inay yihiin Afghanistan, Syria, Yemen, Libya, Somalia, South Sudan iyo Mali, kuwaasoo u sii kala halis badan sida ay u kala horreeyaan.

Goobaha ugu caansan ee Dalxiiska loo tago sida; Mexico, Qaar ka mid ah dalalka la isku yiraahdo Caribbean-ka iyo qaybo ka mid ah Hindiya ayaa lagu tilmaamay inay khatarta ku badan tahay. Balse meelaha uu amnigooda aad u wanaagsan yahay ayaa lagu sheegay; Denmark, Switzerland, Slovenia, Iceland, Greenland iyo Finland oo dhammaantood ku yaalla Yurub.

Qaaradda Afrika marka laga tago, Waddamada kale ee halista ugu badan ee waddooyinka iyo shilalka gaadiidka ay ka jiraan ayaa lagu sheegtay Brazil, Bolivia, Sucuudiga, Iiran iyo Kazakhstan. Iyadoo qaybtan uu Mareykanku ka galay meel dhexe.

Ugu dabeyn, Inta badan waddamada Yurub ayaa lagu qeexay inay aad ugu yar tahay khatarta dhinaca Waddooyinka, waxaana la mid ah dalalka Japan, Australia iyo Zew Zealand.

PUNTLAND POST